Dhageyso:-Xildhibaano Eedeyn u jeediyey Xukuumadda baaqna soo saaray

Weli waxaa sii xoogeysanaya xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeysa Xildibaanada Golaha Shacabka,iyada oo shirar kala dwuan ay ku qabanayaan Gudaha Magaalada Muqdisho,waxa ayna Warabahinta isku mar siinayaan hadalo xanaf ah.

Qaar ka mid ah xildhibaanada taagersan Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa  Xukuumadda ku eedeeyen masuuliyada shaqaaqadii shalay ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan C/Casiis Cilmi Cali ayaa sheegay in loolanka Siyaasadeed ee dalka ka taagan ay ku milmeen taliyayaasha Ciidamada,iyaga oo ku andaxcoonaya in ay amamar ku shaqeynayaan.

Waxa uu sheegay in qof walba oo xilka haya Xukuumadda sidii ladoono loo adeegsanayo,iyaga oo ka baqaya in xilka laga qaado.

Sidoo kale waxa uu walaac ka muujiyey ilaaladii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan ee lagala wareegay.

Dhinaca kale Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa iyana dhankeeda silamid ah xildhibaan C/Casiis Cilmi Cali waxa ay eedeyn u jeedisay Xukuumadda Ra”iisul Wasaare Kheyre,iyada oo taliyayaasha Ciidamada iyo qaar ka mid ah Wasiirada oo ku jira Baarlaamanka asyan dhex dhexaad aheyn.

Ugu dambeyn waxa ay dalbatay in Xarunta Golaha Shacabka aan lagu qaban kulanka ugu soo horeeya ee Baarlamaanka inta xal buuxa laga gaarayo khilaafka ka dhexjira Golaha Shacabka.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Xildhibaannada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media