DHAGEYSO :- Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameysay Abaarta

Qaar kamid ah xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa booqasho ku tagay deegaanka Qansax-dheere ee gobolka Baay, iyaga oo ukuur galaya xalada nololeed dadka ku sugan deegaankaasi.

Xildhibaanadu waxaa ya ka hadleen dhibaatooyinka ugu daran ee heesta dadkaasi,waxaana ay sheegeen inay ku noolyihiin daruufu adag oo xaga nolosha,islamrakaana ay u baahanyihiin in loo gurmado.

Xildhibaanada ayaa sheegay inay tagi doonaan deegaanada kale ay saameysay abaarta,si ay usoo arkaan xaaladaha daran ee ka jira deegaanada koonfur Galbeed,waxaana ay ugu baaqeen dowaldda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed in dadkaasi ay si deg deg ah ugu gurmadaan si loo badbaadiyo nolosha dad badan oo halis ugu jira Abaarta.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media