Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ka hadlay Markab labaatan kun oo Ari ah siday oo dekadda Magaalada Berbera ka shiraacday,kaasi oo dhawaan lagu xanibay Dekadda Magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.
Xildhibaanadan oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in Cunaqabateyn ay ku heyso Shacabka Soomaaliland,isla markaana si kulul u Cambaareeyay Heshiiska ay sheegeen in dowladda la gashay dowladda Sacuudiga.
Sidoo kale Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu sheegay in tan iyo markii tala dalka uu qabtay Madaxweyne Farmaajo uu culeys gaarka saarnaa Somaliland iyo Ganacsatada Gobolada Waqooyi.
Isaga oo sii hadlayay Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa waxaa uu tilmaamay in deegaanada Somaliland laga joojiyay Hay’addihii gargaarka gaarsiin jiray.
Ugu dambeyntii Xildhibaanadii Shirka Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay Warkii ka soo jeeray Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ee ahaa in dowladda federaalka Soomaaliya ay dowladda Sucuudiga xariir kala sameysay sidii loo sii daan lahaa Markab labaatan kun oo Ari ah siday oo dekadda Berbera ka shiraacday,kaasi oo ku xayirnaa Magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.