Dhageyso:-Xildhibaanada Hir-Shabeelle oo Mooshin ka keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa maanta kulan ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaas,kulankaas oo ay uga doodeen qodobo dhowr ah.

Kulanka ayaa inta uu socday ayaa waxaa dood dheer ka dib Maanta xildhibaanada ay mooshin ka keeneen Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Hir-Shabeelle sida uu Radio Dalsan u sheegay Xildhibaan Maxamed Qaasim Daqare ahna Wasiir ku xigeenka Wasaarada Bey’adda Maamulka Hir-Shabeelle.

In kastoo Wasiirku uusan shaacin tirada xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha ayaa hadana waxa uu sheegay in intii uu shirka socday gudoomiyaha Barlamaanka si kedis ah uu u sheegay in shirka xiran yahay taas oo dhalisay buuq farabadan oo isku bedelay mooshin.

Waxa uu ugu dambeen hadalkiisa intaas ku daray in Baarlamaanka hir-Shabeelle uu jiro mudo 9,Bilood ah ilaa iyo hadana aysan jirin wax la qabtay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media