Dhageyso:-Xildhibaanada Golaha Shacabka Maanta oo fasax galay

Waxaa Maanta oo Arbaco ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 22-ka Bisha May 2019,ayaa waxaa lagu waday in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa aqrinta koowaad ee wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka (Procurement),kaasi oo si weyn Xildhibaanada uga doodi lahayeen,hayeeshee kulankaas ayaa waxaa uu u baaqday sababo la xiriira Kooram la’aan.

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa ku dhawaaqay in kulanka Maanta ay soo xaadirtay 98 Xildhibaan,isla markaana Kooramka uu soo buuxsami waaye,sidaasina uu ku baaqday.

Sidoo kale Guddoomiye Muudeey ayaa waxaa uu sheegay in Golaha shacabka uu galay fasax kooban ilaa iyo inta laga gaarayo Munaasabada Ciidul Fidriga,isla markaana fadhiga Baarlamaanka uu dib u furmi doono markii laga soo laabto maalmaha Ciida.

Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiye Sheekh Ibraahim (Muudeey).

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media