Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya marna soo noqday Wasiirka Warfaafinta soomaliya ayaa soo bandhigay waxyaabaha sababta u ah in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan dhibaatooyinka kajira dalka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Dhalinyarada Soomaaliyeed Shaqa la’aanta heysata ay sababtay in ay ku dhiirageliso inay qaataan fikirka xag-jirnimada,taas oo dhibaato horleh ku ah dalka.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in daraasad lasameeyey lagu ogaaday in dhalinyarada dalka waxku baratay iyo kuwa dibada wax ku soo bartay in markii ay doontaan Shaqo ay waayaan taasina ay sababto in ay ku dhiiradaan qaadashada fikirka xag-jirnimada.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Mustaf Dhuxulow.