Dhageyso:-Xildhibaan Shaaciyey in la waayey Ciidamo suga amniga deegaanada Hir-Shabeelle

Xildhibaan Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka hir-Shabeelle ayaa walaac ka muujiyey falalka amnidarro ee mararka qaar ka dhaca deegaanada Maamulkaas.

Xildhibaanka oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle uusan laheyn Ciidamo u gaar ah oo suga amniga,isla markaana Ciidamada ka howlgalla ay yihiin kuwa dowladda Soomaaliya.

Waxa uu hadalkiisa inatasi ku daray in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya meeshii ay horay u joogan ay weli ku sugan yihin,isla markaana aysan sameyn wax dhaq dhaqaaq,taasina laga doonayo Madaxda dalka in ay go’aan ka qaataan.

Gaba gabadii waxa uu sheegay in Maamulka Hir-Shabelle uu yahay mid weli aan gaarin halkii la rabay,isla markaana looga baahan yahay in dowladda Soomaaliya ay garab istaagto,kana saacido dhinaca tababarka Ciidamada.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Maxamuud Xuseen Gudbaaye.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor