Dhageyso:-Xildhibaan Khaliif Cabdi”Guddoomiye Mursal waa la xiray,Xildhibaanadana waa loo diiday inay u tagaan”

Xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka kana mid ahaa Xildhibaanada Maanta Muqdisho kusoo dhaweeyay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka la xiray.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar ayaa sheegay in Guddoomiyaha la xiray,sidoo kalena loo diiday in ay u tagaan Xildhibaano doonayay inay la kulmaan.

“Dagaal ayaan horay ka gelayaa Waxaan rabaa inaan xan fareesh ah idin siiyo,Guddoomiyihii Baarlamaanka ee qabtay mooshinkii aan ka keenay Madaxweynaha Maanta waa maxbuus,waan ka xunahay inaan sheegno laakin madaxweyne xiraayo oo weeraraayo guddoomiye baarlamaan ayuu yiri Xildhibaan Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

Hadalkaan ka soo baxay Xildhibaan Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar ayaanan weli wax jawaab ah aysan ka bixin Madaxtooyada Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor