Dhageyso:-Xildhibaan Khadiijo Diiriye”Hadii 184 Xildhibaan uu gaari waayo mooshinka Jawaari waa gudoomiyaha Golaha Shacabka”

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya kana mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si kulul weerar afka ah ugu qaaday Gudoomiyaha Baarlmaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Wasiir Khadiijo oo Goobjoog ka aheyd kulan ay yeesheen xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyay Jawaari ayaa sheegtay in mooshinkaas aan laga laaban Karin ilaa baarlamaanka lahorgeeyo,halkaasna lagu kala bixi doono.

Waxa ay sheegtay in Gudoomiye Jawaari mooshinki laga gudbiyay uu sheego in laga baxay,ay wax u dhimeyso karaamadiisa,aqoontiisa,laakin mooshinkaan uusan noqon doonin mid banaanka looga baxo.

“Xaqiiqdii 184 xildhibaan hadii uu mooshinkan gaari waayo Jawaari waa gudoomiyaha Golaha Shacabka,laakin hadii uu gaaro waa wax cad,waxana idin sheegayaa in mudo 15 cisho ah gudahood ay ku soo dooran doonaan Gudoomiye Baarlamaan ayay tiri xildhibaan Khadiijo Maxamed diiriye”

Sidoo kale waxa ay guddiyada joogtada ee Golaha Shacabka ku eedeysay in ay sharciga hareer mareen,iyaga oo baarlamaankii uu Shaqeynayo ay kulan qabteyn taasina ay tahay mid sharciga ka baxsan sida ay hadalka u dhigtay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir Khadiijo Maxamed diiriye ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media