Dhageyso:-Xildhibaan Jeesow” Waxaa loo dhiibayaa Bangiga Dhexe Gaalka midka ugu Madow”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa taageeray in Bangiga dhexe ee Soomaaliya loo dhiibo qof Ajanbi ah,xilli Maanta ansixiyay Xeer ogolaanaya.

Waxa uu sheegay in Bangiga dhexe ee Soomaaliya mudo hoggaankiisa lagu soo xulayay hab beeleed,taasina uu sheegay inay dhibaato dalka ku tahay.

“Bangigena waxaa maamula 4.5 wax la yiraahdo,Alle ayaa idinku dhaarshaye  ilaa Baaramaankii 8aad waxaa lagu soo xulayay 4.5 qofka dhahaya muwaadinimo iyo dal aan daqnaa leh oo ay ka hoirmsan yihiin Salaam Banki ayaa ku elh Ajaanib ayaa loo dhiibayaa,Dekadeena yaa lacag nooga aruuriya ajaanib,waxaa xalaasha ah ee aan ku kala baxeynaa waa isaga,gal kii ugu madow ayaana loo dhiibayaa.

Waxa uu sheegay in dalkeena loo baahan yahay in Caalamka kale uu wax la qeybsado iyo fur furnaana,hayeeshee lacagta Canshuurta ah ee dadka Soomaaliyeed laga soo aruuriyo aan 4.5 lagu qaadaneyn.

Hadalka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa kusoo aadaya xilli Xildhibaanada Golaha Shacbaka ay maanta ansixiyeen Xeer ogolaanaya in qof Ajnabi ah uu madax ka noqon karo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Dhageyso Codka Xildhibaan Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor