Dhageyso:-Xildhibaan Jeesow oo ka hadlay Xaalada amni ee Xildhibaanada

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ahna xubin ka tirsan Guddiga amniga Baarlamaanka  ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Jeesow in  Cismaan Cilmi Boqore uu ahaa Xildhibaankii ugu horeeyay ee Baarlamaanka 10-aad  sida loo soo doortay la dilo,isla markaana ahaa Ninka uga da’da weynaa Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Jeesow ayaa sheegay in Xildhiban kale oo dhaawac soo gaaray in uu jiro,xiliyada qaarna dalka ay ka dhacaan falal amni daro,isagoo xusay in Xildhibaano qaar ay jiran oo qataro kala duwan la kulmay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in 20-ka bishii November ee Sanadkii tegay gaari uu ahaa qarax lagu xiray ,isla markaana uu ka badbaaday.

Allaha u Naxariistee maalin kahor ayay aheyd markii Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore rag hubeysan ay ku dileen gudha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir,kaasi oo shalay lagu Aasay Magaalada Muqdisho

 

Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media