Dhageyso:-Xildhibaan Golaha Shacabka oo ka digay soo daabicista lacagta Cusub ee Shilinka Somaliga

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah Wasiir u Dawlihii Hore ee Maaliyadda Soomaaliya haatanna ah Xogahayaha Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in xilligaan lacago loo soo daabaco waddanka.

Xildhibaanka ayaa marka hore soo dhaweyey Daabicista dowladda ee lacagta Cusub balse weli ay jiraan caqabado diidayo oo uu ku sheegay in ay tahay mid amnidarro iyo mid siyaasadeed intaba.

Waxa uu sheegay in masuuliyadda lacag daabicida uusan laheyn Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya balse Shaqadaas looga baahan yahay Bankiga Dhexe laakin tasi ka socokow ay jiraan caqabado amnidarro oo dalka ka jira.

Isaga oo Wareysi siinayey Idaacadda Voa-da ayuu sheegay in dowaldihii dalka soo maray ay waqti iyo dadaal farabadan ku bixiyeen sidii lacago Cusub loo soo daabici laheyd basle ay ku guul dareysatay sidaas silamid ahna dowladdana aysan awoow u laheyn isaga oo tusaalo u soo qaatay inlacagtaas aysan ka socon doonin deegaanada Maamulka Soomaaliland iyo goobaha ay maamulaan Al-Shabaab.

Toddobaadkan ayay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya soo bandhigtay naqshadda ay yeelan karto lacag cusub oo loo soo daabacayo waddanka Soomaaliya, waxaana horey mas’uuliyiintu u sheegeen in loo baahan yahay lacag dhan 41 milyan oo dollar oo lagu soo daabaco lacagtaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media