Allaha u naxariistee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ku geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii KMG ka ahaa ee dalka soomaray.
Maxamed Qanyare ayaa maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho,iyadoona la dhigay Isbitaalka Ex Digfeer,hayeeshee saakay uu u geeriyooday xanuunkii haayay.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa ka sheekeeyay taariikh Nololeedkii Maxamed Qanyare Afrax oo siweyn ay iskula soo shaqeeyeen.
Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan Dalxa.