Xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Cusmaan (Faliije ) ayaa sheegay in tacadi Maanta ay u gesyteen ciidamo ka tirsan dowladda soomaaliya,isaga iyo Xildhibaano kale xilli ay ku wajahnayeen Xarunta Golaha Shacabka.
Waxa uu sheegay in ciidamada ay Manta kula dhaqaaqeen arin ad u xun iyaga oo gaarayay in ka badan 10 xildhibaan,sidoo kalena ay sababi gaartay in ay wada dagaalamaan Ciidamo isaga la socday iyo kuwo kale oo ilaalo ka haayay bar-koontorool.
“Runtii waa arrin foolxun wixii Maanta ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda u geysteen,hadii aan ciidamadeyda ku amri laheyn in ay gaariga ku laabtaan dagaal ayaa dhici lahaa,waxana laga soo abaabulay  Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayuu yiri Xildhibaanka.
Wadooyinka Magalada Muqdisho ayaa inta badan Maanta waxa ay ahaayeen kuwo xiran,waxana taasi ay sababtay in xildhibaanada qaarkood ee Golaha Shacabka ay saameyn ku yeelato.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Cusmaan.