Dhageyso:-Xiisada dagaal oo ka taagan degmada Cadale iyo bakarac ka bilaawday

Wararka aan ka heleyno Tuulooyin ka tirsan Degmada Cadale ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka bilowday Barakacay ay sameeynayan dadka deegaanka,

Barakacan ka bilowday Cadale ayaa waxa uu yimid kadib markii halkaasi ay ku dagaalameen Beello wada dega Degmada Cadale,islamarnaa dhowr jeer oo hore la isku dayay in waan waan la dhexdhigo.

Qof kamid ah dadka deegaanka Degmada Cadale ayaa Dalsan u sheegay in dagaal  Beeleedkii ka dhacay halkaasi uu saameyn ku yeeshay dadka ku nool Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana hada xaalada ay tahay mid degan.

Dhanka kale warark aan helnay ayaa waxa ay sheegayan in tuulooyinka hoos yimaada Cadalle ay ku dagaalameen Al Shabaab iyo dadka shacabka,markii dambane Al shabaab ay qabsadeen goobihii lagu dagaalamay, iyagoona halkaasi ka qaatay xoolo.

Hoos Ka Dhageyso Mid ka mid ah dadka degmada Cadale ee G/Shabeellaha Dhexe

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor