Dhageyso:-Xeer-ilaaliyaha Qaranka “Waxaan caqabad kala kulanay Madaxda dalka iyo Xildhibaano”

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Bishii hore ay Xeer Ilaalinta  gudbisay Afar kiis oo la xiriira musuq maasuq,inta badana ay ku guuleysteen.

Waxa uu sheegay inay jireen caqabado farabadan oo ay kala kulmeen intii ay howshaas kiiska musuq maasuqa ah ku jireen dad ay ka mid yihiin Madax ka tirsan Dowladda.

“Bishii hore Afarkiis oo Musuqmaasuq la xiriiray ayaan gudbinay kuna guuleysanay,balse waxaan caqabad kala kulanay Shacabka,Madaxda Qaranka iyo Xildhibaano ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Dowladda Soomaaliya ayaa kal hore Mas’uuliyiin u xir xirtay Eedeyn la xiriirta musuq maasuq halka,kuwa kale loo xukumay.

Dhageyso Codka Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor