Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug balse xilkiisa lagu muransan yahay oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii hortegay Xubnaha Aqalka Sare ayaa soo hadal qaaday dhibaatoyinka ka jira deegaanada Maamulkiisa.
Xaaf waxa uu sheegay in caqabado koowaad ay tahay dhibaato ka heysata dhanka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca tan labaadna ay tahay xiisadaha Colaadeed ee mararka qaar ka dhaca sidaas darteedna loo baahan yahay in wax laga qabto.
Sigar ah ayuu Madaxweyne Xaf u sheegay in lagala Shaqeyso sidii loola xalin lahaa Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca oo kas oo horjeeda Siyaasada uu ku Shaqeeyo Maamulka Galmudug.
Madaxweyne Xaaf ayaa hadalkaan u jeediyay Xildhibaanada Aqalka Sare Gaar ahaan kuwa laga soo doortay deegaanada Maamulkiisa
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf.