Dhageyso:-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo baaq u diray Madaxweyne Saciid Deni

Ismaaciil Hurre Buubaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ee dowladii Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay Doorashadii dhawaan uu ku soo baxay Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,isagoona baaq u jeediyay.

Waxa uu sheegay Ismaaciil Hurre Buubaa in Madaxweyne Saciid Deni looga baahan yahay in uu la yimaado waxqabad cusub,isla markaana uusan marin halkaasi horey u mareen Madaxweyneyaashii isaga ka horeeyay.

Ismaaciil Hurre Buubaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ee dowladii hore  C/llaahi Yuusuf Axmed oo la hadlay Dalsan ayaa Madaxweynaha cusub ee Puntland ugu baaqay in dagaalka u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland lagu dhameeyo wada hadal dhexmara labada dhinac.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayuu tilmaamay in uu xil iska saaro sidii loo dhammeyn lahaa Colaada u dhexeeysa Puntland iyo Somaliland,taasi oo ka taagan xuduudka labada dhinac ay wadaagaan.

Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntlana iyo Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore dagaalo xoogan uu ku dhexmaray Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,kuwaasi oo sababay Khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray .

 

Hoos ka Dhageyso Codka Ismaaciil Hurre Buubaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media