Dhageyso:-Wasiirka Maaliyadda oo markii ugu horeysay ka hadlay lacagtii Imaaraadka ee lagu qabtay Garoonka Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya CAbdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay lacagtii ka timid Imaaaradka ee 8-dii Bishaan lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalada muqdisho.

Isaga oo wareysi siinayay Idaacada Voa-da laanteeda Afka Soomaaliga ayuu sheegay Wasiirka in lacagtaas ay tahay cadadkeeda mid aad u farabadan,isla markaana dalka lasoo geliyey,iyada oo aan lagu wargelin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Imaaradka ay mashaariic farabadan dalka ka fulinyeen lacag badan ay keeni karaan balse ay aheyd in dowladda lagu soo wargelin maaadaama xiligii hore dowladda lagu soo wargelin jiray ,maadaama dowladda Soomaaliya ay waqtigaan shaki weyn qabto.

Waxaa la weeydiiyey Su’aal aheyd in dowladda Imaaraadka ay lcagtaas ku wargelisay taliyah Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod,waxa uuna sheegay in taliyaha uusan wax Shaqa ah ku laheyn lacagtas balse Imaaraadka uu ahaa in Xukuumadda Soomaaliya uu soo ogeysiiyo.

Taliyaha Ciidanka xoogag dalka Soomaaliya ayaa dhawaan wareysi uu bixiyey waxa uu ku sheegay in Imaaraadka ay u soo qoreen warqad ay ku dalbanayeen in uu u fasaxo lacag uga imaaneysa Boosaaso laakin lacagtaas ay ka timid dalka Imaaraadka Carabta,isla markaana saraakiishii la socotay ay diideen in ay cadeeyaan cadaka lacagtaas..

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Maaliyadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media