Dhageyso:-Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga oo amray in la toogto Shabaabka lagu qabto howlgalada

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa Maanta go’aamiyay in xilligaan wixii ka dambeeyay aan xabsiga la geyn doonin Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee la qabto.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo Warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa sheegay in dhowr mar Al-Shabaab farriimo iyo digniino isugu dareen,hayeeshee ay ka biyo diideen.

Waxa uu sheegay in hadda wixii ka dambeeya aan la ogolaan doonin in Nin ka tirsan Shabaab uu qof dilo ama dhaawacp kadibna Xabsi la geeyo,hayeeshee goobtii lagu karo lagu dilo doono.

“Uma dulqaadan doono in maalin walba Al-Shabaab ay wax dilaan hadana aan xirno balse waa in la taabsiiyo xanuunka dhaawaca iyo dhimashada,lana dilo ayuu yiri Taliye Indha-Qarshe.

Taliyaha ayaa soo hadal qaaday Dad ay horay u dhaawaceen Al-Shabaab inay weli Isbitaalada Muqdisho qaarkood ku jiraan,isla markaana raggii dhaawacay Xabsiyada ay ku xiran yihiin..

Dhageyso Codka Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor