Dhageyso:-“Wasiir Xoosh”Dhamaan waan tegi doonaa Xarumaha Maamul goboleedyada

Wasiirka Dastuurka xukuumada Federaalka Soomaaliya oo shalay ka furay Magaaalda Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal kulan wadatashi ah oo looga arinsanayay wax ka bedelka Dastuurka dalka ayaa ka hadlay qorshaha uga degsan Wasaarada kulamada Wadatashiga ah.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Wasaaradu ay haatan bilaabeyso dhawaan  kulamada wadatashiayda ah ay gaarsiiso Gobolada dalka Soomaaliya ayna tegi doonto Xarumaha Maamul goboleedyada dalka ka jira.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in puntland ay ka dhigeen mida koowaad islamarkaana ay jiri doonaan Xarumo kale oo la tegi doono sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Xoosh ayaa maalmihii u dambeeyay waday qorshaha looga tashanayo sidii aragtiyo kala duwan looga dhiiban lahaa wax ka bedelka Dastuurka dalka kaas oo hada ah mid qabyo ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media