Dhageyso:-Wasiir Maryan Aweys” Waxaan ballaarinaynaa Dekadda Muqdisho iyo Dekedaha kale ee Dalka”

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka  Badda Maryan Aweys Jaamac ayaa sheegtay in dhawaan horumarin iyo dib u dhis lagu sameyn doono dekada weyn ee Magalada Muqdisho.

Shirkadda  Albeyrak  ayaa qalab Cusub ku wareejisay wasaaradda,kaas oo lagu horumarin doono dekada,isla markaana Wasaaradda Maanta lagu wareejiyay.

Waxa ay kaga mahad celisay Maamulka Shirkada Albeyrak horumarinta ay ka wadaan dekadda Muqdisho,islamarkaana qalabkaas lagu horumarinyo howlaha Dekada.

Qalabkaan Casriga ah ayaa laga keenay magaalad  Dubai  waxaan ka howlgeli doona dhalinyaro Soomaaliyeed oo aqoon u leh  socdaalka iyo hagida Maraakiibta waa weyn ee ku soo xirta dekadda Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka  Badda Maryan Awey Jaamac.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor