HomeMaqalDhageyso:-Wasiir Beyle oo ka hadlay khilaafka Dekada eedeyna u jeediyay Ganacsatada

Dhageyso:-Wasiir Beyle oo ka hadlay khilaafka Dekada eedeyna u jeediyay Ganacsatada

Date:

Related stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Doon Qorrax Ku Shaqaysa Oo 3,106 Mayl Safartay

Safare Finnish ah ayaa dhammeystay safar badeed oo 3,106 mayl ah, isagoo adeegsanaya doon uu isagu dhisay oo ku shaqaysa tamarta qorraxda oo keliya, iyadoo aan loo adeegsan shidaal dhaqameed.

Muran ka dhashay Canshuur kordhin lagu sameeyay waxyaabaha ka soo dega Dekada Muqdisho ayaa sababay in uu hakad galo dhaq-dhaqaaqii ganacsi ee Marsada Muqdisho,Ganacsato ayaana soo bandhigay cabasho ay ka qabaan hanaanka cusub ee Canshuurta. Wasiirka MaaliyaDda Xukuumada FederaAlka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Wasaarada Maaliyadda,waxaana uu ka hadlay cabashada kasoo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muran ka dhashay Canshuur kordhin lagu sameeyay waxyaabaha ka soo dega Dekada Muqdisho ayaa sababay in uu hakad galo dhaq-dhaqaaqii ganacsi ee Marsada Muqdisho,Ganacsato ayaana soo bandhigay cabasho ay ka qabaan hanaanka cusub ee Canshuurta.

Wasiirka MaaliyaDda Xukuumada FederaAlka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Wasaarada Maaliyadda,waxaana uu ka hadlay cabashada kasoo yeereysa Ganacsatada isaga oo iska fogeeyay in wasaaradiisu ay mas’uul ka tahay xanibaada ganacsi ee Dekada Muqdisho, balse waxa ay uu tilmaamay in dhaqaalo badan lagu bixiyay dib u habeynta dekada oo aysan sax aheen in lagu ganacsato oo kaliya.

- Advertisement -

Wasiir Beyle waxa uu qeexay nooca canshuur kordhinta oo ay sameeyeen iyo sababta ay u canshuurayaan badeecadii oo dekadaba ka soo bixin ganacsatada ayuuna ku eedeeyay in ay diidan yihiin bixinta Canshuurta.

Cabashada ugu badan ee Ganacsatada wax ka soo dejiya Dekada Muqdisho ayaa waxa ay tahay in canshuur kordhinta ay ka jirta Marsada Muqdisho oo kaliya oo dekadaha kale ee dalka aysan ka jirin nidaamkaasi taas oo dhalisay in wasiir beyle uu hadlo arinkaasi.

Waxa ay u muuqataa in uu jiro kala duwanaasho u dhaxeysa Ganacsatada iyo Wasaarada Maaliyadda waxaana la isku khilaafay hanaanka cusub ee Canshuuraha,Xukuumadda Federalka waxa ay leedahay waxaan dooneynaa in aan isku tashano ayna waajib tahay bixinta Canshuurta.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Wasiirka oo Dhameystiran.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts