Dhageyso:-Wasiir Amniga KGS”In Dukaan la bililiqeysto ama la gubo waxba masoo kordhineyso”

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) oo shir Jaraa’id ku qabtay Magalada Baydhabo ayaa waxa uu ka hadlay rabshadaha maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Magalada Baydhabo.

Wasiirka ayaa sheegay in Shacabka looga baahan yahay inay isdejiyaan,isla markaana amniga Magalada ay ilaaliyaan,isaga oo dhinac akale dignii u diray.

“Dadka Reer Baydhabo waxan ka codsanayaa inay dejiyaan muujiyaan,hadii aad wax tabaneysaan si wanasgan u raadiya,in dukaaman la gubo la bililiqeysto waxba masoo kordhinayaan,laamaha amniga waxana ka codsanayaa inay ka hortagaan kuwa qalalaasaha wada ayuu yiri wasiirka.

Hadalka Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) ayaa kusoo aadaya xilli Maanta Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ay Xabsiga dhigeen in ka badan 300 oo Ruux kuwaas oo ka mid ahaa dadka banaanbaxa dhigayay.

Hoos Ka Dhageyso Codka wasiirka amniga Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor