Dhageyso:-Wasaaradda Maaliyadda oo shaki gelisay bixinta Mushaaradka Shaqaalaha dowladda

Saameynta Murankii ka dhashay Canshuurta ee u dhaxeeyay Dowlada iyo Ganacsatada ma uusan ku ekaan dad danta yar ee noloshooda  ku xerneed Suuqa Bakaaraha iyo Dekada Muqdisho balse daqligii  dowlada bishan ay ka heli laheed Gansatada ayaa meesha ka baxay taa oo keentay in Wasiirka maaliyada Cabdraxmmaan Ducaale Beyle uu shaki galiyo in Mushaaraadka Shaqaalaha in  bishan ay si wanaagsan u wada bixin karaan balse wali raja ayuu qaba in sida ay tahay u bixiyaan.

Wasiir Beyle ayaa dhinaca kale maanta  waxa uu  amar kale ku soo rogay Hoteelada iyo meelaha kale ee Ganacsi oo la faray in canshuurta 5% in ay bixinayaan, isaga oo tilmaamay in canshuurta Gadista ay xal ka wada gaareyn Dowlada iyo Ganacsatada xili ay jirtay in Ganacsatada qaar ay shalay sheegen in wadahadalkii uu burburay.

Wali heshiis muuqada oo labada dhinac ay ka gaareyn Murankii canshuurta lama soo bandhigin in kastoo dib loo furay Ganacsigii suuqa Bakaaraha,dhinaca kalena Gudiga Ganacsiga iyo Maaliyada Baarlamaanka ayaana 21-bishan Wasaarada Maaliyadda waxa ay  ka dalbadeen in 30 bisha April in ay horkeento Baarlamaanka Soomaaliya, qorshaha canshuur kordhinta isla markaana aan sharci noqon doonin Canshuurtaas hadii aan Baarlamaanka la marsiin.

Hoos Ka Dhageyso Shir Jaraa’id uu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media