Dhageyso:-Wasaaradda Dastuurka oo biloowday Tababarka tababarayaasha ee Waxbarashada Madaniga+Sawirro

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa maanta biloowday tababarka tababarayaasha Saraakiisha Sare ee Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

Tababarkan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka, Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxa uu seddex maalin ka socon doonaa magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimha Dastuurka ee XFS Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa ugu horeeyn ka hadlay ujeeddada tababarka.

“Qorshaha tababarkan horay ayuu u soo socday oo June, 2017 ayaa bilaawnay diyaarinta Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga, maanta waxa aan gudagaleynaa fulinta Istiraatiijiyadda waxaana ugu horeeya in dadkii dalka oo dhan ka fulin lahaa la tababaro” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Dr.

Xuseen Cabdi Cilmi oo furay tababarka ayaa yiri “Kulankan tababarka ah waa mid muhiim u ah dhameeystirka Dastuurka maadaama dadkii Dastuurka bari lahaa shacabka ay halkan ku tababaranayaan; Wasaaradda waxaa ka go’an in Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka la gaarsiiyo illaa tuullooyinka, sidaa awgeed ayaan tababarkan iyo tababaro kale ugu qaban doonnaa gobolada dalka”.

Ugu dambayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha inay ka faa’ideystaan tababarka kana qaybqaataan gaarsiinta Waxbarashada Madaniga ee Dib-u-eegista Dastuurka gobolada ay ka yimaadeen.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media