Magaca Kaduudiye ayaa markii ugu horeysay la maqlay sanadkii 2004 sida ka muuqata magaciisa kaduudiye waa u muuqasho ruuxa uusan awoodin in uu si siman isu kala bixiyo.
12 sano kadib ayaa hadana magaca Kaduudiyo dib loo maqlay wuxuuna noqday mid ka saameyn badan kii hore, alle markii sida uu dadka ugu dhaco looguma dhinto waana todobaadyo inta uu ruuxa haynayo.
Cudurkan Kaduudiyo kala sooc malaha ilmo yar dhalinyaro, waayeel si isku mid aha yuu ugu dhacaa walow saameyntiisa lagu kala duwan yahay.
xanuunkan si cad looma oga goobta uu markiisii hore ka dilaacay meelaha lagu arkay waxaa ka mid ah magaalada muqdisho isagoona kufaafay gobolo badan sida shabeelooyinka, hiiraan, jubooyinka iyo deegaano kale oo ka tirsan dalka.
Ismaaciil muuse waxa uu kamidyahay dadkii uu soo ritay kaduudiyuhu waxa uu dalsan radio usheegay in uusan arkin xanuun lamida waxaan wali kamuuqday astaamihii uu reebay xanuunkan waxaa kamida in uu madmadoow kamuuqday qaybo kamida jirkiisa.
Hadaba waa la arkay kaduudiye waamaxay isagu maxaase sababa ama keena su aashaas waxa aan waaydiiyay mustafa xaaji oo kamida dhakhaatiirta ka howlgasha magaalada muqdisho.
Ha cunin wax daawo ah hana isku durin Irbad maxaa yeelay markiiba waad dhimaneysaa waa talada ugu wanaagsan ee la siiyo qofka isku arka calaamadaha Kaduudiyaha. dhab ahaanshaha arintaasi iyo in uu jiro baaritaan lagu cadeeyay haddii dawo la cuno dhimashada ayaan mar kale weydiiyay ditoor mustafe.
Inkasta oo ay jiraan dad uusan weli ku dhicin xanuunkan Kaduudiyaha haddan ma heystaan xaqiijin in uusan ku dhici karin mar kastana wadnaha ayey farta ku hayaan dadkaasi waxaa ka mid ah Nasro Xasan oo shaki weyn ka qabto goorta uu haleeli doono.
Inkastoo oo uu wali raadkiisa sii muuqdo ayaanaan la ogayn wakhti uu ku tago ama kuyimaadoDr Mustafa xaaji ayaan way diiyay jawaabteeda xanuunkan lamafilaanka dadka ugu dhacay hadii aay jiraan siyaabo looga hortago intuusan dilaacin kahor.
Isbadalada cimilada sii kululaaneysa iyo wax walba oo sidoodii aan aheyn ayaa keeni kara in cuduro ay dilacaan waa aragtiyo dadka qaar qabaan halka kuwa kalena ay aaminsan yihiin in sababaha ka danbeeya in cudur aan la aqoon uu dilaaco ay tahay dadkii oo ka fogaadau cabsida alle iyagoo xalaaleystay waxii laga xarimay.
Waxaana barnaamijkan gaarka ah ku soo gabagabeynayaa Kaduudiye aragnaye allow ku kale hanoo keenin