Baarayaasha QM ee Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ayaa sheegay in Saldhigga Milliteri ee ay Imaaraadka ka dhisanayso Maamulka Somaliland inuu xadgudub ku yahay Go’aankii QM ee Xayiraadda Hubka ee saaran dalka Somalia.
Warbixinta Guddiga waxaa lagu sheegay in Taageeradda ay qaar ka mid ah dalalka hubka u soo dira Somaliai nay khatar ku yihiin Ammaanka iyo Nabadda Somalia iyo inay suurtogal tahay inay Falalki iBurcad-baddeeda dib u soo laabtaan.
Warbixinta Kooxda QM ee Baarayaasha Cunaqabataynta Hubka waxaa lagu sheegay in la hayo Caddaymo ku filan oo muujinaya in Markab laga leeyahay Imaaraadka oo waday shixnado hub iyo qalab kale oo laga mamnuucay Somalia la daba galay, laguna qabtay Xeebaha Somalia.
Warbixinta waxay intaasi ku dartay in Diyaaradaha Droneska ee Midowga Europe ee ku sugan Xeebaha Somalia ay duubeen Muquaal muujinaya Markabka Imaaraadka oo si aad ah ugu dhawaaday Xeebaha Somalia, kadibna 2 dooni ku wareejiyey Shixnadii Hubka ee uu waday.
Dhinaca kale, Warbixinta QM waxa si aad ah loogu faahfaahiyey Dhaqdhaqaaqyadda ay Imaaraadka Carabta ku dedejiyaan Dhismaha Saldhigga Milliteri ee ay ka wadaan Dekedda magaalladda Berbera ee W/Galbeed ee Somalia.
Baarayaasha QM waxay tilmaameen inay Dowladda Imaaaradka wax ka weydiiyeen  haddii uu Saldhiga Milliteri ee Berbera xadgudub ku yahay Cunaqbataynta Hubka ee saaran Somalia, balse Dowladda Imaaraadka wax jawaab ah kama bixinin Su’aasha ay Baarayaasha u gudbiyeen.
Baarayaasha waxay sheegeen in Saldhig kasta oo Milliteri oo ay dalalka Shisheeyaha ka dhistaan Somalia oo ay ku jiraan Dhaqdhaqaaqa Hubka ee Gobalka inay xadgudub ku tahay Cunaqabataynta Hubka ee Somalia.
Ugu dambeyntii, Kooxda QM ee Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee Somalia waxay tilmaameen in dal kasta oo Saldhig Milliteri ka dhisanayo Somalia waajib ku tahay inay Saraakiisha Hay’addaha Somalia heleen Heshiiskooda.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta iyo Wariye Saleeman Raage.