Dhageyso:-Wajiga labaad howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo bilaabanaya

Maamulka degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo lagula dagalami doono Al-Shabaab kaas oo dhawaan ka bilaabanaya tulooyinka hoostaga.

Gudoomiyaha degmadaas  Cabdullaahi Maxamed Geeldoox oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxa uu sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan howlgal looga saarayo deeganada hoos yimaada degmda Mahadaay dagaalamayaasha Al-Shabaab oo uu sheegay in qeybo ka mid ah degmadaas ay ku sugan yihiin

Gudoomiye Geeldoox ayaa waxa uu tilmamay in markii ay Ciidamada ay isku dayaan in ay weeraro ku qaadaan fariisimaha Shabaab  ay isticmaali jireen in ay ku soo furan biyaha Webiga hadana Webiga biyihiisii  uu guray taasine ay suurtagal u noqon doonto in ay bilaabaan wejiga labaad ee howlgalka.

Dhankale gudoomiyaha ayaa waxa uu intaas ku daray in saraakiisha Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay isku afgarteen in ay howlgal ay bilaabaan isagoo tilmamay in aysan dhici doonin in markale Al-Shabaab ay isticmalaan in ay biyaha Webiga ku soo furan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Degmada Mahadaay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media