Dhageyso:-Wadada xiriirisa Muqdisho & Buurhakaba oo ku dhow in ay xiranto

Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaatooyin amnidarro ay waqtigaan ka jira Wadada isku-xirta Magalada Muqdisho iyo Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in  in falalka amnidarro ay ku soo kordheen wadadaas,sida Kufsi iyo dhaca dadka Shacabka ah,isla markaana dhawaan lagu afduubtay Gabar yar.

Waxa uu sheegay in dhibaatada wadada xiriirisa Baydhabo iyo Muqdisho ay ka geysanayaan maleeshiyaad ku labisan dareeska Ciidamada dowladda iyo waliba Al-Shabaab sid auu hadalka u dhigay.

Siaskatab in kastoo wasiirku uu sheegay in wadadaas ay dhibaatooyin amnidarro ka jirto hadana ma uusan sheegin qorshooyin lagu xaqiijinayo ama lagu sugayo amniga dadka isticmaalada Wadadaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media