Dhageyso:-Ugaas Xuseen Qorane oo taageeray hanaanka Doorashada Jubbaland

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo Shir Jaraa’id ku qabtay Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane oo ka mid ah Ugaasyada dhaqanka Jubbaland ayaa waxaa uu ka hadlay arrimaha Doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland.

Ugaas Qorane ayaa waxaa uu sheegay in uu ka tanaasulay aragtidiisi hore ee uga soo horjeeday hanaanka Doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland, isagoo kamid ahaa dadka sida weyn uga soo horjeeday hanaanka Doorashada.

Sidoo kale Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane ayaa tilmaamay in wixii hada ka danbeeya inuu dib ugu noqonayo howlahii dhaqanka ee Bulshada uu u hayay,isla markana uu la shaqaynayo qofkii ku guulaysta doorashaa Madaxtinimada Jubbaland.

” Anniga oo daneynaya danaha bulsha weynta reer Jubbaland, kuwooda qaxootiga ah, masaakiinta ah iyo dayaca ay maanta u yaaliin markaan fiiriyay, waxaan go’aan saday inaan tanasulaad ka sameeyo arrimihii, is qabadkii aniga iyo maamulka  dhexdeena yaalay, inaan tanaasulaad ka sameeyo oo umaddaa ayada ah aan u samro”ayuu yiri Ugaaska.

Ugu dambeyntii Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka ree Jubbaland Midnimo iyo wadajir, isla markana la garab istaago qofka kusoo baxa Doorashooyinka.

Hoos ka Dhageyso Codka Ugaas Xuseen Qorane.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media