Hay’adda Bish Cas ee Dalka Turkiga ayaa Maanta waxa ay Gawaarida ay ku socdaan dadka Naafada ah waxa ay u qeybisay ilaa 80 Ruux oo isugu jiray Caruur,Haween iyo rag naafo ah,isla markaana ku sugan Muqdisho.
Goobta lagu wareejinayay deeqdaan Gawaarida ah ayaa waxaa ku sugnaa Safiirka Dalka Turkiga u fadhiyo Soomaaliya Olgan Baker,guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo masuuliyin kale.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ugu baaqay dadka fursada u helay in ay qalabkaan helaan,isla markaana sidii loogu talo galay ay u adeegsadaan.
Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed dhankooda looga baahan yahay in ay garab istaagaan walaalahoda Turkiga oo had iyo jeer u taagan Caawinta dadka Soomaaliyeed.
Safiirka Dalka Turkiga u fadhiyo Soomaaliya Olgan Baker ayaa isna waxa uu sheegay in dadkaan naaafda ah ee Maanta ay siiyeen Gawaarida ay ku socaan looga baahan yahay in ay u isticmaalaan sidii loogu talo galay,isla markaana dowladda Turkiga ay siiwadi doonto caawinta dadka Soomaaliyeed.
Hoos Ka Dhageyso Codadka kana Daawo Sawirrada.