Dhageyso:-Tirada Khasaaraha ka dhashay Guri ku soo dumay Shaqaalihii dhisayey-Sawirro

Shaqaalahan ayaa dhisayay guri ku dhow Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho,waxana xili ay shqada socotay uu ku soo dumay gurigaas taas oo sababtay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalahaas.

Inta la xaqiijiyey ilaa Saddex ruux ayaa ku geeriyootay Gurigaasi soo dumay kuwaas oo dhammaantood ahaa Shaqaalihii dhismaha ka Shaqeynayey.

Gurmad kala dwuan oo isugu jira dadweynaha Soomaaliyeed iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa dadkii ku dhaawacmay dhismahaas u gurmaday si ay u badbaadiyaan Shaqaale kale oo la sheegay in dhismaha hoostiisa u la’yahay.

Gudoomiyaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo ka mid ah Masuuliyintii gaartay Goobta uu dhismaha ku soo dumay ayaa shir jaraa’id uu qabtay waxa uu ku sheegay in Saddex ruux halkaasi ay ku geeriyoodeen halka laba kalena ay ku dhaawacmeen oo uu mid ka mid ah dhaawaciisa daran yahay.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media