Dhageyso:-Thabit Cabdi oo ka hadlay Go’aankii lagu joojiyay Imtixaanka dowladda

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Hogaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka Thabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May oo Maanta ku beegan.

Hogaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan 15-ka May,isla markaana xusay in Maanta ay tahay maalin weyn gaar ah ku weyn Xisbiga Awoodda Shacabka,kaasi oo uu tilmaamay in xubnaha uu ku taagan ay yihiin dhalinyaro.

Sidoo kale Thabit Cabdi Maxamed ayaa Alle uga baryay in Janada uu ka waraabiyo 13-kii dhalinyaro,kuwaasi oo nasiibka u yeeshay inay noqdaan asaasayaashii Xisbiga SYL.

Dhinaca kale Hogaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa ka hadlay Go’aankii lagu joojiyay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare ee dalka iyo Banaanbaxdaydii Ardayda Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in wixii ku dhacay Ardayda Soomaaliya ay ahaayeen Nasiib darro,isagoona Wasaaradda Waxbarashada,Ardayda iyo Waalidiibta u rajeeyay in ay isku fahmi doonaan arrimaha Imtixaanka shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka Thabit Cabdi Maxamed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media