Wararka nagasoo gaaraya deegaanka Daarusalaam ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dhaawacay taliyihii saldhiga deegaankaas,kadib israsaaseyn halkaasi ka dhacday.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa waday howlgallo ay ku baadi goobayeen dad la sheegay in ay ka ganacsadaan Khamriga balse halkaasi ay ka dhacday israsaaseyn sababtay dhimashada hal ruux iyo dhaawac 2 kale oo uu taliyaha deegaanka Daarusaal ku jiro.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Galdogob ee gobolka Mudug C/risaaq Axmed Tooxyare ayaa sheegay in dhaawaca taliyaha loo adeegsaday rasaas iyo tooreey,isla markaana falkii halkaasi ka dhacay loo xiray ilaa Saddex ruux.
Dhinaca kale waxaa deeganka Daarusalaam ee gobolka Mudug gaarey Taliye ku xigeenka qaybta Booliska ee gobolka Mudug iyo Saraakiil ka socotay Hay’adda Dambi-baarista kuwaas oo haatan wada baaris ku saabsan sidii ay halkaasi wax uga dhaceyn.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku xigeenka degmada Galdogob ee gobolka Mudug Mudane C/risaaq Axmed Tooxyare.