Dhageyso:-Taliye Indha-Qarshe oo farriin u diray dhalinyarada ka barbar dagaalanta Al-Shabaab

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Daahir Aadan Cilmi(Indha-qarshe) ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay u diyaar garoobeen howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,isaga oo ciidamada faray inay si wanaagsan ula dhaqmaan dadka Shacabka ah.

Dhinaca kale Taliye Indha-qarshe ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka barbar dagaalanta Al-Shabaab inay isaga soo tagaan,isla markaana ay yihiin kuwo la qalday sida uu hadalka u dhigay.

“Dhalinyarada ka barbar dagaalameysa Al-Shabaab waxan leeyahay kasoo taga Al-Shabaab oo dadkiina dhinac ka raaca,hadii aad diidaan ciidamada xoogga dalka waxaa ku waajib ah inay idinla dagaalamaan ayuu yiri Taliyaha Ciidanka xoogga dalka.

Si kastaba hadalka Taliyaha xoogga dalka ayaa kusoo aadaya xilli inta badan Gobolada dalka ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo Ciidanka halka meelaha qaarkood ay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor