Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Cabduweli Jaamac Gorod ayaa soo saaray digniin ku socota Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan duleedyada Magalada Muqdisho xilli maraaka qaar ay Shacabka ka cawdaan.
Taliye Gorod ayaa sheegay in Ciidamada aan deegaanada ay ku sugan yihiin loo geynin ay Shacabka dhibaateeyaan isaga oo digniin u diray.
“Runttii halkan la idiinma keenin in aad shacabka dhacdaan,laamiga inaad istaagtaan,mana noqon doontaan kuwa ku liibaana hadaad ku dhimataan idinka oo dadka dhibaya,ma idinka aqbaleyn tuuto ayaan sitaa dadka ayaan ku dhacayaa mana ka difaacayo qaraxa iyo dhibaatada ayuu yiri taliye Gorod.
Cabduweli Jaamac Gorod Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa dhowr mar waxa uu soo saarey digiin uu u dirayo Ciidamada, ka dib markii Ciidamada qaarkood ay dadka rayidka ah u geysteen falal ay ka mid yihiin dhac.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.