Dhageyso:-Taliyaha xoogga oo sheegay inay bilaawdeen howlgallo Wado furis ah

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo weli ku sugan Magalada Kismaayo ayaa howlgalkaas ku dhawaaqay.

Waxa uu sheegay inuu bilaawday howlgallo lagu doonayo wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab in la isku furo.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Gobolka Hiiraan uu ka bilaawday howlgalka ugu horreeeyay,sidoo kalena uu ka bilaaban doono Gobolada kale si la isugu furo Magalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Al-Shabaab ayaa mararka qaarkood waxa ay weeraro jidgal ah ka sameeyaan wadooyinka qaar ee dalka haba ugu badnaatee wadada isku-xirta Magaaloyinka Jowhar iyo Balcad wallow maalmahan uusan ka dhicin wax weerar ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Xoogga dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor