Dhageyso:-Taliska Xoogga dalka oo Warka soo saaray dagaalkii ka dhacay Baardheere

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegayaa in dagaal u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo dagaalyahano ka tirsan  Alshabaab,gelinkii dambe ee xalay.

Dagaalka ayaa ka dambeeyey kadib markii Al-Shabaab ay aweerar ku  qaadeen magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo,gaar ahaan ag agaarka Buundada,halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidmado ka tirsan Xoogga Dalka,sida ay dadka deegaanka Warbaahinta u sheeeen.

Saraakiisha Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in qasaare dhimasho iyo dhaawac ay  dagaalkaasi ugu geesteen Al-Shabaabkii soo weerary,islamarkaana hub iyo dad nool laga qabsaday sida ay hadalka u dhigeen.

Abaanduulaha guutada 10-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka G/Dhexe Cismaan Sheekh Cabdi Qorax oo ku sugan magaalada Baardheere ayaa faah faahiyay sida uu u dhacay dagaalkaasi.

“Walaal waxaa ay wax u dheceen nimankii Shabaab ayaay ina soo weeraray gelinkii dambe ee xalay,waxay ku soo qaadeen meel ciidanku ay ku sugnaayeen weyna ku jabeen,waxaa jiray weerar kale aan ku qaadnay markii ay jabeen’qasaare badan ayaa soo gaaray,inkastoo weli ay dhimantahay hadana waxaan haynaa qof nolosha ku qabanay iyo 10 qof oo aan ka dilnay,waa Buundada magaalada,waxaan sidoo kale ka qabsanay hub farabadan”. Ayuu yiri Abaanduule Qorax.

Gobolada Gedo iyo Jubboyinka ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka soconayay howlgalo ballaaran oo ka dhan ah Alshabaab,kaas oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa jubbaland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Abaanduulaha guutada 10-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka G/Dhexe Cismaan Sheekh Cabdi Qorax.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media