(DHAGEYSO):-Taliska Ciidanka Dowlada ee Baay Iyo Bakool oo sheegay inay Qabteen Dagaalyahaano katirsan Al-Shabaab.

Ibraahim Aadan Yaroow Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidamada dowlada ayaa ka hadlay howlgaladii ugu danbeeyey ay Ciidamad Xooga ka sameeyeen degaano kamid ah  gobalada Baay iyo Bakool kuwaasi oo ka dhan ah Shabaab deegaanada ay kaga suganyihiin Gobaladaasi.

Taliyaha aya sheegay inay Dileen Saraakil katirsan Al-shaabab kuwa kalana ay Gacanta ku dhigeen oo ay ku jiraan Amiiro nolosha ay ku qabteen sida uu yiri Ibraahim Aadan kadib howlgalo ay ka sameeyeen Deegaano kamid ah Baay iyo Bakool.

Sargaalkan aya tilmaamay in maalmaha soosocda ay isku furi doonaan wadooyinka Go’doonsan ee Baay Iyo Bakool.

Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Cod-ka Taliyaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media