Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluuba Soomaaliyeed Cabdi kariin Cali Afrax oo shir Jaraa’id ku qabtay Magalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay Nin Ajnabi ah oo dhawaan laga soo qabtay Garoonka Aadan-Cacdde,kaas oo la sheegay in Xabsigaasi lagu dhaawacay.
Waxa uu sheegay in laba Maxbuus oo ka kala tirsan Shabaab iyo Daacish kuna xiran Xabsiga ay isku-dayeen inay dhibaato gaarsiiyaan,hayeeshee uu fashliyay taliyaha Xabsiga dhexe markii uu ka warhelay.
Taliye ku xigeenka Xabsiga dhexe ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in markii ay soo baxday arrinta la xiriirta dhaawaca Ninka ajnabiga ah ay soo booqdeen saraakiil ka socotay Shirkadda Bancraft iyo kuwo kale,isla markaan ay xaqiijiyeen in wax dhaawac ah aan la gaarsiin.
Sidoo kale waxa uu cadeeyay in Xabsiga dhexe ee Xamar ay ku xiran yihiin dad galay dambiyo kala duwan oo isigu jira Shabaab iyo Daacish,kuwaas oo xukuno kala duwna horay loogu riday.
Ninka Ajnabiga ah oo u dhashay dalka Britain ayaa waxaa lagu Magacaabaa Anthony Thomas,waxana Garoonka Diyaaradaha ee Aadan-Cadde laga qabtay 19kii Bishaan kaddib markii lagu qabtay walxo laga shakiyay oo uu diyaarad la raaci rabay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya.