Taliyaha Saldhiga Booliiska degmada Wadajir ee gobolkan Banaadir oo sigaar ah ula hadlay Radio Dalsan Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in taliskooda uu ka warqabo dad ku lug leh falalka amnidaro ee mararka qaar ka dhaca degmadaas.
Waxa uu sheegay in dadkaas xogtooda oo dhameystiran la gudbiyay isla markaana maalmaha soo socda Gacanta lagu dhigi doono.
Dhanka kale Taliye Cabdi Baasit ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool degmada Wadajir in ay Ciidamada kala Shaqeyaan sugida amniga isla markaana aysan ogolaan in amniga degmada qalqal lageliyo.
Horay ayaa sidaan oo kale Maamulka degmada Wadajir iyo taliska Booliiska degmadaas ay u soo saareen digniin wallow aysan jirin cid ay u soo qabteen falal amnidaro oo mararka qaar ka dhaca degmadaas.
Qoraa Cabduqaadir Jakaarta
Hoos Ka Dhageyso Taliyaha Booliiska Degmada Wadajir.