Dhageyso:- Taliska Booliiska oo war ka soo saaray amniga Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee En: Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisoow kaas oo gelinkii dambe ee shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Qatar.

Generaal Maxamed Xuseen Madaale oo ku hadlayay afka taliska ciidanka booliiska ayaa sheegay in Duqa Muqdisho uu saaxiib dhow la’ahaa taliska talo iyo tusaalooyin joogta ahna uu la garab taagnaa.

Ugu dambeyntii ayuu tilmaamay in aas qaran loo sameynayo guddoomiyihii gobolka isla markaana inta lagu guda jira maalmaha baroor diiqda in la adkeynayo amniga dalka gaar ahaana kan Magaalada Muqdisho.

Halkaan Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media