Dhageyso:-Taliska Booliiska oo sheegay in uu bilowday baaritaanka dilkii ka dhacay Xerada Xalane

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed oo ka hadlay dilkii loo geystay Almaas Elman ayaa marka hore tacsi u diray qoyska ay ka baxday iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in gal dacwadeed ka fureen xarunta dembi barista CID-da  ee Muqdisho taas oo lagu barayo dadka loo heysto dilkaas.

Taliyaha ayaa sheegay in gal dacwadeed uu u furmay saraakiil khibrad u leh baaritaanada noocaan oo kala ah si looga daba tago kuwa ka dambeeyay dilkii Almaas Elman.

Toogashada loo geystay Almaas Elman ayaa waxaa ka dhashay su’aalo badan oo la xiriira qaabka dilka uu u dhacay iyo goobta  uu ka dhacay oo aheyd gudaha xarunta xalane oo ay deganyihiin ciidamada AMISOM iyo hay’adaha Ajaanibta ah ee ka shaqeeya Somalia ahna goobta kaliya ee aadka loo ilaaliyo.

Halkaan Ka Dhageyso Codka 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media