Dhageyso:- Taliska Booliiska gobolka Bari oo amar culus ku soo rogay Gaadiidlayda Boosaaso

Taliska booliiska goblka Bari ee Puntland ayaa soo saaray awaamiir culus oo ku socota wadayasha gaadiidka iyada oo lagu amray in ay iska hubiyaan socdaaladaha banaanka ah ee ay u baxayaan iyo dadka ay qadayaan.

Taliyaha booliiska gobolka Bari oo la hadlay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in gaadiidka ay dadku kiraystaan ee yar-yar dhibaato lagu geysan karo sidaas darted wadayaasha gaadiidkaas ayuu faray in aysan qaadin cid aysan ogeyn halka uu ku wajahanyahay iyo waxa uu yahay.

Dhinaca kalana waxa uu tilmamaay ciddii u hogaansami wayda markaas in tallaabo shari ah laga qaadayo hase’ahate ay si gaar ah masuuliyad iskaga saaraan arintaan wadayaasha gaadiidka kala duwan.

Halkaan Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media