DHAGEYSO:- Suuqyada qudaarta Muqdisho oo laga dareemayo sara’ukac ay sababtay Abaarta

Suuqyada qudaarta ee maagalada muqdisho aya laga dareemayaa sara’ukac ku yimid qiimaha nuucyada qudaarta, iyada oo la’ibinayo qiimo aad usareeya.

Maalmihii aanu soo dhaafnay ayaa isbadal laga dareemayey qudaarta oo muqdisho uga timaada gobalada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe,waxaana waayadaan danbe qudaartu ay aheyd mid gabaabsi ah ama yar, iyada oo loo sababeynayo abaarta ka jirta dalka.

Guleed Xuseen waa ganacsade iibiya Qudaarta waxaa uu sheegay in isbadal xoogleh uu ku yimid qudaarta, islamarkaana la’iibinayo qiima ka duwan kii hore, waxaana uu tilmaamay in ay sababtay abaarta ka jirta dalka oo uu xusay in wabigii Shabeele uu guray,

islamarkaana beerihii ay kasoo go’i jirtay qudaarta sanadkaan aan waxba laga helin oo ay jirto qudaar yari.

Halkaan hoose ka dhageyso.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media