Weli waxaa xiisad ka taagan tahay deegaanka tukaraq ee Gobolka sool kadib dagaal culus oo mudo laba maalmood ah socday oo u dhaxeeyey ciidamada maamulada Soomaaliland iyo Puntland.
Hayeeshee รย labada dhinac ayaa waxaa ay รย hawada isku marsiinayaan hadalo u badan hanjabaad kaasoo sii hurinaya dagaalka u dhaxeeya Ciidamada labada Maamul.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nacnac) oo ka mid ah Golaha Wakiilada Soomaaliland oo Wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa sheegay in Puntland hadii ay joojin weyso dagaalka tukaraq ay ka wado in Magalada Garoowe laga qaxi doono sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu ka jawaabay hadalkii kasoo baxay Puntland ee ahaa in Maamulka Soomaaliland uu taageero Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab,waxa uuna sheegay in labadaba aysan aqoon balse ay ka goรขโฌโขan tahay iska difaacida Puntland.
Sikastaba weli majirto waan waan laga dhex wado labada Maamul,waxana deegaanka tukaraq iyo guud ahaan Gobolka Sool haatan ka socda abaabul dagaal oo ay wadaan labada dhinac,waxana barakacay badi dadkii deganaa deegaanka tukaraq.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Nacnac.