Dhageyso:-Soomaalida ku nool dalka Yaman oo dhibaato soo wajahday

Marka la gaaro xiligaan oo kale waxaa kuleyl aad u daran uu ka bilaawdaa Xerada Qaxootiga Alqaras ee Koonfurta dalka Yaman oo inta badan ay degan yihiin Qaxooti Soomaaliyeed.

Soomaalida ku nool Xeradaas qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in xiligaan la galay Waqtigii ugu darnaa ee kuleylka,islamarkaana dhibaato aad u weyn ay heysato,taas oo mararka qaar ay caruurtooda geeriyoodaan.

Qaar ka mid ah dadkaas oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay mudo 20 Sano ah ku nool yihiin,dhibaataduna ay tahay mid weli jirta.

Hadalka Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xerada Alqaras ee dalka Yaman ka soo baxay ayaa ku soo aadaya xili shalay Muqdisho uu ka furmay shir looga hadlayo xal u helida Qaxootiga iyo barakacayaasha dalka Gudihiisa ku barakacay

Hoos Ka Dhageyso Codka Qaxootiga Soomaaliyeed

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media