Dhageyso:-Siyaasiyiinta is-maan-diidan ma yihiin kuwo beekhaamin kara Rajada Ummadda iyo Danaha Qaranka ?

Inkastoo lagu jiro Xaallad laga soo kabanayo Mahadhadii laga dhaxlay Burburka iyo Coladahii Sokeeye iyo kuwii Siyaasadeed ee  lagu soo nolol qaatay dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay ayaa waxaa Ayaan-xumo ah doorkii Hoggaamineed iyo Fal-dhaqanka aan garowshiyadda lahayn ee Siyaasiyiinta dalkeena.

Ficil Siyaasadeedka Is-xinkaa iyo Is-mucaaradka ayaana lagu fasiri karaa Halbeega ugu khatarsan ee had iyo jeer sababa Isku-dhaca Siyaasiyiinta iyo Marin-habaabinta dadban ee loo cuskanayo Khilaafyada ragaadiyey Danaha dadka iyo dalka.

Waa meerto Siyaasadeed qalafsan, oo had iyo jeer  dib loo soo hinqado , iyadoo ay Siyaasiyiinta maanta yihiin kuwo aan lahayn khibrad Siyaasadeed, Dulqaadasho, Tanaasul iyo inay u turaan dadka iyo dalka.

Marka aynu indha-indhayn ku sameyno Masraxa Siyaasadda waxaan arki karnaa inuu Khilaafka yahay Halbeegga ugu sarreeya, isla markaana Min Federal ilaa Heer Gobaleed laga wada siman yahay Khilaafka iyo Ismaan-diidka Siyaasadda.

Waa hubaal inay DFS iyo Dowlad-gobaleedyadda jaal ahayn, oo uu ka dhexeeyo Khilaaf guntiisa hoose muujinayso inay isku haystaan Arrimo muuqda iyo kuwa dahsoon, inkastoo ay labada dhinac isku eedeeyaan Ku-takrifalka Maamulka Awoodeed iyo in la gacan bidixeeyo Nidaamka Sharciga ee kala hagi lahaa.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay DFS gujo hoose ku hayso Maamul-gobaleedyada, isla markaana la tuhunsan yahay inay wax ka maleegeen Shaxda Kacdoonka ku socda Madaxda Maamul-gobaleedyada ee ka didsan DFS.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa rumeysan inay DFS doonayso in la helo Madax Gobaleedyo jaal la ah, isla markaana u dhega nuglaada Tubta jiheysan ee ay DFS ku doonayso inay mar kale ku guuleystaan Doorashadda 2020-ka ka dhici doonta Somalia.

Waana macquul qorshaha noocaasi ah, inkastoo ay Siyaasiyiinta ugu tunka weyn Mucaaradka DFS aad uga biyo diidsan yihiin  dib-u-doorashadda Madaxtinimadda Maanta.

Diplomaasiyiinta madaxa bannaan ayaa humaag siyasaadeed u arka Loolanka DFS iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah, maadaama aan weli la gaarin Nidaamka ay Xisbiyadda badan ku dhaqdhaqaaqi lahayn.

Siyaasiyiinta la sheego inay Mucaarad yihiin ayaa iyagana loo arkaa kuwo Godob iyo Ballan-bax ka tirsanayo DFS, iyo kuwo Laylis ugu jira Tabta ay mustaqbalka ku noqon lahaayeen Mucaarad Siyaasadeed leh miisaan Siyaasadeed mug leh.

Si kastaba ha ahaatee, markaynu doc kasta ka eegno Eedeymaha iyo Isjiidjiidka taagan waxaa la qiri karaa in Siyaasad kasta oo Fadhiid noqota laga dhaxli karo inaan Ummadda loo beekhaaminin Rajada iyo Mustaqbalka ay ku naalloonayaan.

W/Q/ Ustaad Nuuradiin Abuubakar.

Hoos Ka Dhageyso Faallada uu Akhrin doono Wariyaheena Xasan Nasiib Maxamed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor