Dhageyso:-Siyaasi Salaad Cali jeelle”Al-Shabaab Ergada qaar ayay ku amraan Xildhibaanka ay dooranayaan”

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ahna  la-taliyaha dhinaca Siyaasada ee Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay dilalka loo geysanayo Ergada soo doortay Xildhibaanada Golaha Shacbaka.

Waxa uu sheegay Siyaasiga in Ergada qaarkood ay Al-Shabaab ku amraan inay doortaan Xildhibaan Hebel,Ergadii ka dhega adeegtana ay dilaan kii amarkiisa ku Shaqeeyana ay daayaan oo uu ka badbaado.

“Horta waad og tahay Shabaab waa Argagaxiso,Ergada qaarkood waa ay dilaan kuwana waa ay daayaan,Xubin kasta oo ergada ah waa ay soo wacayaan waxa ay leeyihiin Xildhibaan hebel soo saar hadii aad soo saari weysana dhibaato ayaad nagala kulmeysaa,marka waad garan kartaa in Xildhibaanada qaar Ergadooda la dilaayo qaarna la deynnayo ayuu yiri Siyaasiga.

Sidoo kale Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta taageerada weyn siin jirtay  Dowladda hadda jirta ayaa sheegay in dowladan ay raja wyen ka qabaan Shacabka Soomaaliyed loona baahan yahay in la garab istaago.

Hadalka Siyaasiga Salaad Cali Jeelle marka laga soo tago ayaa waxaa jirta in tiro ka mid ah ergadii soo dooratay lagu dilay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka,isla markaana dilalkaas ay sheegteen Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka Siyaasiga Salaad Cali Jeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor